Maxay tahay guusha dhabar jabka ku noqotay Joe Biden ee uu gaaray xisbiga Jamhuuriga?

Kevin McCarthy

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku guuleystay kurigii laba boqol iyo siddeed iyo tobnaad, kaas oo u dhameystiray aqlabiyaddii ay u baahnaayeen inay ka helaan  Aqalka Wakiilada Mareykanka, ka dib doorashadii dhexe ee todobaadkii hore dhacday.

Laakin Dimuqraadiyiinta ayaa sii hayn doona maamulka aqalka senate-ka marka aqalkaasi fadhigiisu qabsoomo bisha January.

Jamhuuriga ayaa sidoo kale hogaaminaya aqalka hoose - in kasta oo aysan tiro badan ku hoggaaminyn hadana  - waxay xaddidi doontaa awoodda Madaxweyne Biden si uu u meelmariyo ajandihiisa sharciyeed.

Kuraas faro-ku-tiris ah ayaa ka haray in doorashadooda lasoo dhamaystiro.

Xisbiga jamhuuriga - oo rajaynayay in uu  dib ugu guuleysto gacan ku haynta labada aqal – ayaa lama filaan ay ku noqotay doorashadii toddobaadkii hore.

Laakiin waxay ku guulaysteen kursigii ay uga baahnaayeen aqlabiyadda Arbacadii markii degmada 27-aad ee California uu udib ugu soo laabtay Mike Garcia.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa hadda la saadaalinayaa inuu ku guulaysto inta u dhaxaysa 218-223 kursi ee aqalka oo ka kooban 435 kursi, sida ay sheegtay warbaahinta CBS.

Laakin iyada oo wali la tirinayo codadka , aqlabiyaddoodu waxa laga yaabaa in aanay caddanin maalmaha  ama xitaa toddobaadyo soo socda.

Kevin McCarthy, oo ay u doorteen xisbiga Jamhuuriga Talaadadii si uu u noqdo qofka beddeli doona haweeneyda  Dimuqraadiga Nancy Pelosi oo haatan ah guddoomiyaha aqalka kongreeska, ayaa u dabaaldegay inuu "si rasmi ah u noqday afhayeenka.

Si loo doorto afhayeen, hogaamiyaha tirada yar ee Aqalka Wakiilada waa in uu ku guulaysto aqlabiyadda taageerada xubnaha 435 ee Aqalka buuxda.

Laakiin Mrs Pelosi waxay sheegtay inaysan si aamusnaan ah uga tanaasuli doonin xilkeeda, iyadoo wacad ku martay wrabixin ay soo saartay habeenimadii Arbacada in xisbigeedu uu "ka faa'iidaysan doono aqlabiyadda Jamhuuriga".

Mrs Pelosi, oo 82 jir ah, ayaan war-saxaafadeedkeeda kaga hadlin inay qorsheynayso inay sii ahaato hoggaanka aqlabiyadda yar, iyadoo Washington laga hadal hayo mustaqbalkeeda.

Doorashada dhexe ee Mareykanka  ayaa inta badan loo arkaa afti loo qaadayo madaxweynaha xilka haya, Republicans-ka waxay haystaab wax badan oo ay ku naqdiyaan Biden maadaama dadka Mareykanka ay ka walaacsan yihiin sicir bararka, qoryaha iyo socdaalka.

Maxay tahay doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka?

Aqalka wakiillada oo ku dhex yaalla xarunta Capitol

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dadka Mareykanka waxay mar kale goobaha cod bixinta u dareerayaan xilliga dhexe oo ku beegan 8-da bishan Nofeembar oo berri ku aaddan.

Waa doorasho khaas ah oo ay dadku u codeynayaan siyaasiyiinta ka howl gasha qeyb ka mid ah dowladda oo lagu magacaabo Aqalka Kongress-ka, kaasoo ah aqalka sharci dejinta.

Waxaa sidoo kale jira xilal loo dooranayo barasaabyada gobollada iyo xilal kale oo xafiisyada gobollada ka tirsan.

Doorashooyinka xilliga dhexe waxay dhacaan markii uu kala bar noqdo xilliga uu madaxweynaha xilka haynayo.