Taliban: Afar dal oo ka faa'idaya "Jabka" reer Galbeedka ee Afghanistan

Dad badan ayaa ka cararaya Afqanistaan

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dad badan ayaa ka cararaya Afqanistaan

Mareykanka iyo dalal badan oo Reer Galbeed ah ayaa u kala cararaya sidii ay muwaadiniintooda uga saari lahaayeen Afghanistan ka dib markii Taalibaan ay qabsadeen caasimadda dalkaas ee Kabul.

Balse waxaa jiro dalal aan ka walwalsaneyn in ay sii wadaan xiriirka ay la leyihiin hogaamiyayaasha Taalibaan ee hadda maamulaya Afghanistan.

Waxaa muuqato in dalalkan ay ka faa'ideysanayaan cabsida Mareykanka iyo xulufadiisa ay muujiyeen tan iyo markii Taalibaan xukunka la wareegeen.

Dalalkaas waxaa ka mid ah Shiinaha, Ruushka, Pakistan iyo Qatar. Maxay tahay sababta aysan dalalka uga walwalsanayn in Taliban ay xukunka la wareegto?

Waxay horey u sheegeen inay sii wadi doonaan xiriirkooda diblomaasiyadeed ee Afghanistan oo xitaa ay lacag siin doonaan kooxda si ay u sii wadaan dadaalkooda ku aaddan sidii dowlad cusub loogu soo dhisi lahaa dalka.

Ruushka ayaa la shegay in uu gacan saar la lahaa Taliban

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ruushka ayaa la shegay in uu gacan saar la lahaa Taliban

Ruushka

Ka dib markii xukunka laga tuuray dowladda Afghanistan, waxaa socday olole qarsoodi ah oo la sheegay in lagu gaarayay Taliban, taasi oo faa'iido u leh madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

Qoraal ahaan kooxda waxay mamnuucday Moscow, illaa iyo hadda dowladda Ruushka ma aysan caddeyn mowqifkeeda ku aadan in ay ururkan u aqoonsanayaan dowladda sharciga ah ee Afghanistan iyo in kale.

Laakiin bayaan uu toddobaadkan soo saaray wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa lagu shaaciyay in Ruushka uu wada-hadallo la bilaabay Taalibaan, oo ay sheegeen in ay "bilaabeen in ay soo celiyaan kala dambayntii" Kabul iyo qaybaha kale ee dalka.

Iyadoo Taliban ay la wareegeen magaalada Kabul, ciidamada Mareykanka ee taageerayay Ashraf Ghani ay baxayaan, wuxuu Ruushka caddeeyay in uusan soo afjari donin howlahooda diblomaasiyadeed ee dalkaas.

Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen, in sababta aysan xiriirka u jareynin ay tahay in Taalibaan ay dalka qabsadeen iyagoo aan iska caabin kala kulmin Mareykanka, xulafadiisa iyo ciidamadii Afghanistan uu u tababaray.

Diblumaasiyad ahaan, Ruushka ayaa taageeraya Taalibaan, waxayna Ruushka sheegeen in ay diyaar u yihiin kulan ka dhaca Moscow oo ay ka qaybgalayaan Taalibaan, iyo dhinacyada kale, si loo siiyo ururkan aqoonsi caalami ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Taalibaan ay hub ka hesho Ruushka, inkasta oo Ruushku marar badan uu beeniyay inay hubeeyeen dagaalyahannada kooxda.

Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi (Midig) invited waxaa uu la kulmay wefdi ka socda Taliban

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi (Midig) invited waxaa uu la kulmay wefdi ka socda Taliban

Shiinaha

Markii ugu horraysay ee Taalibaan ay xukunto Afghanistan, sannadkii 1996, Shiinaha waxay diideen in ay aqoonsadaan, waxayna xireen safaaraddii ay Kabul ku lahayeen.

Laakiin hadda dawladda Shiinuha waxay noqotay waddankii ugu horreeyey ee taageeray Taalibaan.

Kacdoonka Shiinaha ayaa yimid laba toddobaad uun ka hor markii wasiirka arrimaha dibadda, Wang Yi, uu wafdiga Taliban ka socday ku soo dhoweeyay waqooyiga Tianjin, maadaama ay ku jireen marxaladihii ugu dambeeyay ee xilka looga tuurayay Madaxweyne Ashraf Ghani, oo Axaddii dalka ka baxsaday.

Wang wuxuu ammaanay kooxda, isagoo sheegay in ay leeyihiin "mas'uuliyado muhiim ah" si ay u maamulaan Afgaanistaan.

Hadalkaas wuxuu sii xoojiyay Taalibaan iyo sharci ahaanshiyaha waxyaabaha ay sameynayaan, iyada oo ay jirto in dad badan ay dhaliileen ficiladooda dhiirrigeliya argagaxisada iyo cadaadinta haweenka.

Shiinaha wuxuu ka baqayaa in xagjirnimada Islaamiga ah ay ka so ifbaxdo bulshada laga tirada badan yahay ee Uyghur, oo cadaadis badan kala kulmaya dalkaas.

Shiinaha ayaa sidoo kale doonaya in uu sii wado kobcinta dhaqaalaha, iyada oo u sii mareysa beesha caalamka, dhaqaalahaas oo gaaraya $14.7 tiriliyan - oo 17 jeer ka badan dhaqaalihii 1996.

Laakiin xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha ayaa keenay in Shiinaha uu sii wado xoojinta galaangalkiisa iyo inuu yareeyo awoodda Maraykanka ee waddammada uu Maraykanka xididdada u siibay.

Taas waa fursad uu Madaxweyne Xi Jinping uu doonayo in uu adeegsado si uu cadawgiisa, gaar ahaan Mareykanka, uu uga saaro goobaha xuduudahiisa ugana hortago in loo soo dhawaado.

Tani waa waxa ka dhigaya in Shiinaha uu u ekaado dalka ugu weyn ee galaagalka ku yeesha Afghanistan iyadoo Taalibaan isu diyaarinayaan in ay ku dhawaaqaan in ay dalkaas ku xukumayaan shareecada Islaamka.

Asad Majeed Khan

Xigashada Sawirka, USIP

Qoraalka sawirka, Asad Majeed Khan

Pakistan

Ra'iisul wasaaraha Pakistan, Cimran Khan ayaa Isniintii sheegay in Afghanistan ay jebisay, iskana saartay silsiladihii addoonsiga, ka dib markii ay burburtay dowladdii dalkaas.

Mid ka mid ah danjirayaashii Pakistan ee ugu galaangalka badnaa, Asad Majeed Khan, ayaa mar uu ka hadlayay shirkii nabadda ee USIP, July 7, 2021, waxaa uu ka sheegay: "Maalgashiga nabadda ee Afghanistan waa sida kaliya ee lagu yareyn karo argagixisada."

Laakiin maxay uga dhigan tahay in Taalibaan ay la wareegto talada Afghanistan?

Marka la soo koobo, Mareykanka iyo muwaadiniin badan oo Afghanistan u dhashay, waxay ka xanaaqeen tallaabada ay Pakistan ku taageertay Taliban, taas oo keentay in xiriirka Pakistan iyo Mareykanka uu xumaado.

Wararka ayaa sheegaya in guusha Pakistan ay tahay mid ay dano gaar ah ka leedahay inkastoo ay saraakiisha dalkaas nukliyeerka haysta ay beeniyeen arrintaas.

Sida lagu sheegay warbixinta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaa jirto in ka badan 6,000 oo argagixiso ah oo ka hawlgala xadka Afghanistan, kuwaas oo xiriir la leh Taalibaan. Maadaama Taliban ay taageereyso Pakistan, waxaa laga yaabaa inay dareento ammaan.

Waxaa sidoo kale lagu soo waramayaa in dhawaaca Taliban ee muddadii 20 sano ahayd lagu daweyn jiray dalka Pakistan.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, .

Qatar

Qatar ayaa xubin muhiim ah ka ahayd geedi socodka nabadeynta Afghanistan, waxayna waday wadahadallo nabadeed oo dhexmarayay xukuumadii la riday iyo Taalibaan.

Waxa kale oo ay si weyn u taageertay ururka Taalibaan, oo lagu tilmaamay inay taageerto garabkooda siyaasadda, si ay u siiso aqoonsi caalami ah.

Taalibaan hadda waa awoodda maamusha Afghanistan. Qadar ayaa noqon karta dalka helo faa'iideystaha ugu horreeysa, ka dib markii ay sidoo kale gar-wadeen ka ahayd wadahadaladii Mareykanka iyo Taliban.

Wada-xaajoodkaas ayaa ka caawiyay Mareykanka inuu ciidamadiisa kala baxo Afghanistan, iyo sii-daynta maxaabiista siyaasadda iyo militariga ee xabsiyada Afghanistan ku xirnaa.

Ka dib markii ay Taliban la wareegeen awoodda, waxaa la filayay in kooxda ay taageero maaliyadeed oo weyn ka hesho Qatar, oo sidoo kale la filayo in ay sii xoojiso dadaalladeeda Bartamaha Aasiya iyo nawaaxigeeda ee dhaqdhaqaaqyadeeda dhaqaale.